Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga

Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna wuxu ku hamiyay inuu noqdo maalqabeen, wuxu bartay culuumta macdanta waxaana markii uu dhamaystay jaamacadda  uu raacay koox cilmi baadhayaal ah oo macdan ka soo baadhaysay Afrika.

Waxa lagu magacaabi jiray Yuki waxaana uu ah da’da 30 sano, sabir iyo adkaysi badnaa. Sanadkii 1948 isaga iyo kooxdiisu tegeen dal macdantu ku badan tahay oo Africa ah, subaxa hore ayuu huteelka ka jarmaadi jiray isagoo soo baadhaya dhagaxanta macdanta si mar uun u helo dhagax qaali ah, habeen kasta kuwa uu soo qaado wuu baadha waana ku fashilmaa.

Markii uu muddo waday ee uu ku guulaysan waayay ayuu goostay inuu iskaga noqdo dalkiisa. Maalintaasi shaqada baadhista wuxu soo xidhay 5 galabnimo halkii uu hore 10 habeenimo ka soo hoyan jiray.

Inta uu ku jiray dariiqa huteelka waxa ka hor yimi wiil yar oo 6 sano jiray oo gacanta ku sitay dhagax cajiib ah, wiilka ayaa weydiistay inuu Yuki dhagaxa qaato isagana uu siiyo waxooga macaan (xalwad) , wuu siiyay waxaana uu qaatay dhagixii iftiimayay. Markii uu huteelka tegay qolkiisa badhistana ku eegay waxa uu la yaabay natiijada, oo mar labaad ayuu ku celiyay. Dhagaxii wuxu noqday dheemaantii ugu weynayd ee uu weligii arko oo gaadhaysa 10 milyan oo doollar.

Waxaana uu qoraalkiisa Yuki ku sameeyay warbixin uu ku cadeeyay in wiilka yari ahaa Taajir haystay hanta qiimo badan laakiin aan garanayn qiimaha ay lahayd. Aqoonta ayaa dadka is dhaafisa. (Kitaabka Toosi Awoodaada).

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...

Khatarta Fadhiga Badan ee Carruurta iyo Saamaynta Ciyaaraha Elektarooniga ah

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories