Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo marka si wanaagsan looga faa’iidaysto gaadha go’aamo muhiima oo duruufaha taagan lagaga gudbo. Marka uu go’aan gaadhayo caqli wanaagsani waxa uu adeegsada macluumaad iyo warbixino muhiim ah oo uu helay.  Xaaladaha muhiimka ah caqligu haduu shaqayn waayo waxa halkiisa gala caadifadda oo ku dhisan xaasidnimo, been, cunsuriyad, islaweyni iyo mala awaal aan xaqiiqo ahayn.

Qofka caqliga adeegsada waxa uu ku dhow yahay cilmiga iyo  aqoonta, Waxa uu u fikiraya si macquul ah oo waayo aragnimo ku lamaan tahay.  Waxa kale oo qofka xakiimka ahi adeegsada xaqiiqooyin iyo cilmi baadhisa uu qorshe hagayo, isagoo diiradda saara yoolna ka dhigta higsigiisa.

Qofka Maskax badan ee Xakiimka ahi waxa uu sameeyay Fikir dareen leh iyo Jaangooyn isu dheellitiran oo u dhexeeya caqliga, mandaqa iyo caadifadda. Caaqilku hawlihiisa oo dhami waa kuwo ku salaysan kuna jaango’an maskax shaqaynaysa oo fikiraysa, rogrogaysana arrimaha taagan.

Caadifaddu waxa ay adeegsataa fikir macquul ah oo adag, go’aanada uu gaadhanaa waa kuwo ku dhisan caadifad, oo ay ku ladhan tahay falcelin degdeg ah. Caadifigu waxa uu adeegsadaa baahiyaha nafsaaniga ah ee lagama maarmaanka ah.

Waxaana caadifadda oo aanu caqligu xakamayni keenta guuldaro uu mar danbe qofka adeegsaday garto khaladkiisa. Caadifaddu waxay ka dhalataa jawi la galay oo ay si aan ka fiirsi lahayn uga jawaabto, caqliguse xaalad kasta wuu miisaamaaya oo qiimeeya ka dibna ka jawaaba.

Hot this week

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Topics

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...

Khatarta Fadhiga Badan ee Carruurta iyo Saamaynta Ciyaaraha Elektarooniga ah

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories