Great Africa: Xilli Muhiim ah iyo Jawi Diblomaasiyadeed oo Cusub oo Somaliland uga Furmay Maraykanka

Washington (Dawan) Warbixin ay daabacday Warbaahinta caalamiga ah ee Great Africa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu toddobaadkii u dambeeyay booqasho diblomaasiyadeed oo muhiim ah ku joogay magaalada Washington, D.C., ee dalka Maraykanka, isaga oo hoggaaminaya wefti heer sare ah oo ka tirsan xukuumaddiisa. Kaas oo ku soo beegmay xilli Somaliland ay sii xoojinayso dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana ay ku ballaadhinayso xidhiidhadeeda iyo iskaashigeeda caalamiga ah.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in booqashada Madaxweynaha iyo weftigiisu ay xambaarsan tahay farriin muhiim ah iyo miisaan diblomaasiyadeed oo weyn, iyadoo ajandaha safarku diiradda saarayo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, horumarinta iskaashiga dhinaca amniga, kobcinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga dhaqaale, soo jiidashada maalgashiga iyo dardargelinta dadaallada Somaliland ku ballaadhinayso aqoonsigeeda caalamiga ah.

Sida lagu sheegay warbixinta Great Africa, oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana gobolku noqday meel ay si weyn ugu loolamayaan danaha amniga, ganacsiga iyo istiraatiijiyadda ee quwadaha caalamiga ahi.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in goobta istiraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan halka ay kaga taallo xeebaha Gacanka Cadmeed iyo u dhowaanshaheeda marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, ay sare u qaadayso kaalinteeda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta isu-socodka Maraakiibta ganacsiga badda ee caalamka.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Washington ay si weyn u soo jiidatay indhaha siyaasadda caalamiga ah iyo daneeyayaasha arrimaha Geeska Afrika, kuwaas oo si dhaw ula socda natiijada ka soo baxda safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo saamaynta uu ku yeelan karo mustaqbalka xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland. Sida ay warbixintu tilmaantay, natiijada safarkan ayaa saamayn ku yeelan karta xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, horumarinta xidhiidhada siyaasadeed, iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Warbixinta Great Africa waxay sidoo kale xustay in indhaha caalamku ay ku soo jeedaan booqashada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee Washington iyo natiijada ay u horseedi karto mustaqbalka Somaliland waxaana lagu yidhi “Ujeeddada safarkan ayaa ah xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, horumarinta iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta dadaallada la xidhiidha aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. Sidaa darteed, indhaha caalamka ayaa ku jeeda booqashada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee Washington iyo natiijada ay u horseedi karto mustaqbalka Somaliland, gaar ahaan saamaynta ay ku yeelan karto mustaqbalka dhinacyada xidhiidhada caalamiga ah, amniga, dhaqaalaha iyo himilada Somaliland ee la xidhiidha aqoonsiga Maraykanka.”

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories