Wasiir Ku-xigeen Maxamed Cilmi Huuno: “Sicir-bararka Dowladdu ma Keenin, Duruufaha Jira ayaa Keenay”

Hargeysa (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Huuno, ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dhaqaale oo adag, isaga oo tilmaamay in dhibaatada ka taagan marinadii ganacsi ay saameyn ku yeesheen waxyaabaha dibadda laga keeni jiray ee dalka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in maadaama inta badan waxyaabaha dalka laga isticmaalo ay dibadda ka yimaaddaan, xidhnaanshaha ama dhibaatooyinka soo wajaha marinnada ganacsigu ay sababi karaan in qiimaha badeecaduhu sare u kaco.

Waxa uu sheegay in dowladdu aanay iyadu keenin sicir-bararka, balse ay jiraan duruufo dhaqaale oo sababay kor u kaca qiimaha, isaga oo bulshada ugu baaqay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga soo saari lahaa xaaladda dhaqaale ee jirta.

“Dalku wakhti adag buu ku jiraa, dunida waa ogtihiin dhaqaalihii waa xidhan yahay, marinadii wax inoo soo mari jirey oo dhan waa laga dayrinayaa, waana ognahay dalkeena %99 wax kasta dibadda ayay ka yimaadaan. Maadaama oo ay dalka dibadiisa ka yimaadaan, marinadiina xidhan yihiin, wax walba sicir-barar ayaa ku dhacaya. Dowladdu lama imaan sicir-bararka ee duruufaha ayaa keenay. Waxaana aynu kaga bixi karnaa inaan wax la soo baxno oo u diyaar garowno,” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cilmi Huuno.

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories