Golaha Guurtida oo ka Digay Qabyaaladda, Xukuumaddana ugu Baaqay inay Wax ka Qabato Sicir-bararka

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda siyaasadda iyo amniga dalka, iyagoo ku baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada. Xildhibaannadu waxay sheegeen in siyaasadda arrimaha gudaha ay meel wanaagsan marayso, balse ay muhiim tahay in guulaha siyaasadda dibadda, oo ay ku jiraan safarrada Madaxweynaha, ay barbar socdaan xasillooni iyo isku-duubni gudaha ah.

Golaha ayaa si gaar ah uga digay aafada qabyaaladda, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka bulshada. Sidoo kale, waxay ka hadleen dhacdo dhexmartay askari Boolis ah iyo ganacsato yaryar, iyagoo ciidanka ugu baaqay inay shacabka ixtiraamaan, sharciga iyo Dastuurkana ku dhaqmaan, halka bulshada looga digay inay ciidanka u gacan-qaadaan, waxayna ku waaniyeen inay kala shaqeeyaan ilaalinta amniga.

Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Guurtidu wuxuu walaac ka muujiyey sicir-bararka iyo sarif-bararka, oo ay sheegeen inay culays weyn ku hayaan nolosha shacabka, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabato, iyadoo mudnaanta la siinayo nolosha iyo duruufaha bulshada.

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories