Wasiirka Horumarinta Biyaha oo Dhagax-dhigay Laba Ceel-biyood oo Cusub oo loogu Talagalay Magaalada Oodweyne

Qore: Sacad Xarbi

Oodweyne (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdi Maalik oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Daad-madheedh, maamulka Wakaaladda Biyaha Burco iyo masuuliyiin kale, ayaa deegaanka Kabadheere ka dhagax-dhigay laba ceel-biyood oo cusub oo loogu talagalay magaalada Oodweyne.

Ceelashan ayaa qayb ka ah qorshe lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee magaalada Oodweyne, waxaana biyaha laga soo saari doono deegaanka Kabadheere, kaddib markii daraasad cilmiyeed iyo qorshe farsamo oo dhammaystiran lagu sameeyay sidii magaalada Oodweyne looga faa’iidaysan lahaa kheyraadka biyaha ee deegaankaas.

Mashruucan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xoojiyo helitaanka biyaha la cabbo, laguna daboolo baahiyaha biyood ee bulshada magaalada Oodweyne iyo nawaaxigeeda. Dhismaha ceelashan cusub wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, laguna xaqiijinayo in bulshada Somaliland ay hesho biyo nadiif ah oo ku filan.

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories