Baanka Dhexe ee Somaliland oo Dardargelinaya Hirgelinta Nidaamka Xogta Daymaha

Hargeysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay kulan wada-tashi ah la yeeshay hay’adaha maaliyadeed ee dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta iyo hirgelinta Nidaamka Xogta Daymaha (Credit Information System). Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in dhammaan daneeyayaashu ay si wadajir ah iskula jaanqaadaan, isla markaana la mideeyo aragtida, qorshayaasha iyo habraacyada ku aaddan hirgelinta Nidaamka Xogta Daymaha, kaas oo muhiim u ah xoojinta hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Intii uu kulanku socday, waxa si gaar ah looga wada hadlay kaalinta ay dhinac kastaa ku leeyahay hirgelinta nidaamka, nooca xogta loo baahan yahay iyo habka loo wadaagi doono xogta, iyo sidoo kale tallaabooyinka xiga ee loo baahan yahay si loo xaqiijiyo hirgelinta nidaam xogeed oo casri ah, hufan, ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.

Nidaamka Xogta Daymuhu waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa tayeynta xogta la xidhiidha daymaha, fududaynta qiimaynta awoodda bixinta amaahda ee macaamiisha, yaraynta khataraha ka dhasha xog la’aanta, iyo guud ahaan xoojinta adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Kulanka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Somaliland, Madaxda sare ee Dahabshiil Bank International, Dara-Salaam Bank, Premier Bank, Amal Bank, IBS Bank iyo Wadaag Bank, iyo sidoo kale Maamulayaasha adeegyada lacagaha ee ZAAD, eDahab iyo KaashPlus.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, waxaana kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Mudane Yaasin Jaamac Axmed, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Baanka Somaliland.

Gebogabadii kulankan waxa la iskula qaatay in Xafiiska xogta deymaha uu noqdo mid uu hogaaminteeda yeesho Baanka dhexe isla markaana dhammaan Baananka iyo Hay’adaha kale ee maaliyadeed ay gacan weyn ka geystaan hirgelinta mashruuca oo ay doorkooda qaataan.

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories