Brian McDonald: Somaliland iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay – Fursad Diblomaasiyadeed oo Cusub

Washington (Dawan) Khabiirka caalamiga ah ee falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo difaaca, Brian McDonald, ayaa iftiimiyey guulaha iyo fursadaha diblomaasiyadeed ee laga filan karo booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku joogo dalka Maraykanka. McDonald ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Cirro aanu ku koobnayn oo keliya kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta iyo xildhibaannada Maraykanka, balse uu leeyahay fursado kale oo ka ballaadhan, lana xidhiidha kulamada madaxda, wasiirrada iyo diblomaasiyiinta caalamka, maadaama booqashadu ku soo beegantay xilli madaxda dunidu isu diyaarinayaan ka qaybgalka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.

Warbixintan oo Brian McDonald ku baahiyey bartiisa X (Twitter), isla markaana uu Wargeyska Dawan soo xigtay, ayuu ku sheegay in isku-beeganka safarka Madaxweynaha iyo xilliga qabsoomidda shirwaynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Somaliland u abuurayo fursad muhiim ah oo ay dedaalladeeda diblomaasiyadeed iyo qaddiyadda madax-bannaanideeda ku gaadhsiiso fagaarayaasha caalamiga ah. Iyada oo magaalada New York ay xilligan marti-gelinayso madax badan oo caalami ah, sida wasiirro iyo diblomaasiyiin ka kala socda dalal badan oo dunida ah.

“Madaxweynaha Somaliland oo xilligan ku sugan Maraykanka ayaa haysta fursad uu kula kulmayo masuuliyiin badan oo caalami ah, maadaama madaxda dalalka dunidu ay New York isugu imanayaan xilliga shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kulamada dhinac-dhaca ah iyo wada-hadallada laba-geesoodka ahi waxay ka mid yihiin hawlaha muhiimka ah ee lagu yaqaan xilliga shirka Golaha Guud. Taasi waxay siinaysaa Somaliland fursad ay ku gaadhsiiso farriinteeda siyaasadeed iyo qaddiyaddeeda madax iyo diblomaasiyiin ka kala socda dalal badan oo adduunka ah.” ayaa lagu yidhi warbixinta Brian McDonald.

McDonald waxa kale oo uu sheegay in fursadaha diblomaasiyadeed aanay ku koobnayn xarunta Qaramada Midoobay oo keliya, balse wafdiga Somaliland uu fursad u heli karo inuu madaxda iyo diblomaasiyiinta adduunka kula kulmo, xarumaha shirarka iyo goobaha kale ee magaalada New York ee lagu qabto munaasabadaha caalamiga ah. Waxa uu xusay in kulamada noocan ahi ay noqon karaan kulamo iyo ballamo hore loo qorsheeyay, taas oo weftiga Somaliland siin karta fursad kale oo ay si toos ah ugula xidhiidhaan masuuliyiin muhiim ah.

Brian McDonald waxa uu booqashada Madaxweyne Cirro ee Maraykanka ku xidhiidhiyey socdaallo heer sare ah oo sannadihii 2025 iyo 2026 ay masuuliyiin iyo wefti Somaliland ka socday ku tageen Maraykanka, kuwaas oo isugu jiray dhinaca diblomaasiyadda iyo arrimaha millatariga. Sidoo kale wuxuu tilmaamay doorka ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanku ku leeyihiin taageerada qaddiyadda Somaliland ee gudaha Congress-ka Maraykanka, isaga oo tusaale u soo qaatay Senator Ted Cruz iyo Xildhibaannada Scott Perry, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, iyo sidoo kale Senator Jim Risch, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dhaqdhaqaaqyada xoogan ee ka dhex socda aqallada sharci dejinta Maraykanka.

Waxa kale oo Brian McDonald ku soo bandhigay falanqayntiisa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftiga uu hoggaaminayaa ay fursaddan uga faa’iidaysanayso xoojinta danaheeda qaran oo ay ugu waaweyn yihiin iskaashi dhaqaale, helitaanka suuqyada iyo nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, iskaashi amni iyo, tan ugu muhiimsan oo ah sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed.

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories