Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Aqalka Wakiillada Maraykanka oo ka Dooday Helitaanka SWIFT ee Somaliland

Hargeysa (Dawan) Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay wada-hadalka ku saabsan sidii Somaliland u heli lahayd nidaamka maaliyadeed ee caalami ah, iyo fursad wanaagsan oo hay’adaha maaliyadda ay kaga mid noqdaan hannaanka maaliyadda ah, taas oo lagaga hadlay dood 15-kii Sebtembar 2026 fadhi ay yeesheen Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Aqalka Wakiillada Maraykanka (U.S. House Committee on Financial Services).

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Bangiga Dhexe ee JSL, intii uu socday dhageysiga, Xildhibaan John W. Rose ayaa soo qaaday Hindise-sharciyeedka H.R. 7993, Somaliland Economic Access and Opportunity Act, isaga oo iftiimiyay caqabadaha dhinaca maaliyadda iyo xeerarka ee saameeya helitaanka Somaliland ee nidaamyada maaliyadeed ee Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kalena xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa dhankiisa sheegay in kooxda Arrimaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyaddu ay arrintan warbixin ka siin doonto, isla markaana Wasaaraddu ay la xidhiidhi doonto shaqaalaha Xildhibaan Rose.

Warbixinta Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale lagu sheegay in doodani ay tahay mid ka dhalatay wada-shaqaynta uu Bangiga Somaliland la leeyahay hay’adaha Maraykanka. Waxaana lagu shaaciyay in bishii January 2026 uu Guddoomiyaha Bangiga Somaliland uu warqad rasmi ah u qoray Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, qoraalkaas oo uu ka codsaday taageero iyo wax ka qabashada caqabadaha hortaagan nidaamyada lacag-bixinta caalamiga ah, bangiyada xidhiidhka la leh (correspondent banking), iyo isku-xidhka SWIFT, isaga oo sidoo kale faahfaahiyay dadaallada uu Bangigu ku bixinayo xoojinta hufnaanta maaliyadeed iyo ilaalinta AML/CFT.

Bangiga Somaliland waxa uu intaas ku daray qoraalkiisa inuu diyaar u yahay inuu Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka iyo hay’adaha kale ee khuseeya siiyo xog ujeeddo leh oo la xaqiijin karo oo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee Somaliland, iyo inuu si wax-ku-ool ah uga qaybqaato hawl kasta oo farsamo oo ka dhalata geeddi-socodkan. Sidoo kale bayaankan ka soo baxay Bangiga Dhexe waxa lagu yidhi: “Ujeeddadeennu waa mid cad: in la dhiso nidaam maaliyadeed oo ammaan ah, la isku hallayn karo, adkaysi leh, isla markaana caalamka ku xidhan, kaas oo u adeega qoysaska, ganacsiyada iyo jiilasha mustaqbalka ee Somaliland.”

Hot this week

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Topics

Caadifadda iyo Go’aannada Taban

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanada kale caqliga oo...

Hal Shay oo Aanad Qarin Karin

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan...

Dhalinyarada iyo Baraha Bulshada: Saamaynta ay ku Leeyihiin Caafimaadka Maskaxeed

Baraha bulshada waxa loola jeedaa, mareegaha internet-ka—sida Facebook, Tiktok,…iwm—ee...

Xukuumadda oo Dhisaysa Nidaam Dhaqaale iyo Qorshe Qaran oo u Adkaysan Kara Khataraha

Wacyigelinta Caymiska: Tiir Cusub oo lagu Xoojinayo Dhaqaalaha Somaliland Hargeysa...

Xulashada Saaxiibka Wanaagsan

Qofka Markasta Loo Baahan Yahay Waa maxay Xikmadi?  Waxa lagu...

Dadaalka iyo Higsiga Horumarka

Sabirka Iyo Adkaysiga Wuxu u dhashay dalka Japan muddo dheerna...

Hargeysa oo ka Baxaysa Baahidii Biriishyada iyo Ciriiriga Gaadiidka

Todobaadkan Barnaamijka Arrimaha Bulshada waxaynu ku eegi doonaa Hargeysa...

Xanuunka Dhiigkarka: Astaamaha, Sababaha iyo Daaweyntiisa

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan...
spot_img

Related Articles

Popular Categories