Qore Faysal Xis Afgaab
Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan ayaa uga digay dadka isku arka ama ay ku dhacdo Xumadda ay keento qaniinyada kaneecadu in ay isicmaalaan noocyo ka mid ah kiniinada iyo irbadaha xanuun baabiiyaha ah ee loo qaato xumad jabinta. Waxaa kale oo loogu baaqay qofka xumadda ay keento qaniinyada kaneecadu in ay cunaan xanuun baabiiyaha Paracemol ka oo keliya halka dhakhaatiirtu sheegeen in xanuun baabiiye yaasha kale ay dhiigga ka saaraan xnjirta taas oo xumadda ay keento qaniinyada kaneecaduna ay samayso oo ay dhiigga kala dagaalanto xinjirta.
Madaxa ka hortaga iyo dabar goynta Xanuun sidaha Malariyada (Duumada) iyo Xumada Dangue Fever Dr Sayid Ismaaciil Xasan oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in Xumadda ay keento qaniinyada Kaneecadu in ay caasimadda ka jirtay isla markaana ay ku badnaynd xaafadaha qaar,taas oo uu sheegay in degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa oo ahayd xaafadda ay ugu dadka ugu badan kusoo ridday ay ka hawl galeen oo ay degmadaas guri guri u buufiyeen kana qaybiyeen Marakaneecooyin.
Dr Sayid ayaa sheegay in xanuunka ay keento qaniinyada Kaneecada oo kaa aha Dan-ga Fever iyo kuududiyaha,ayaa sheegay in xiligan oo ay dabayshii xagaagu bilaabantay in ay rejaynayaan in ay istaagto ka dib marka dabayshu qaado ama disho kaneecada. Dr Sayid ayaa dadka ku boorriyay qofka marka ay ku arkaan Xumadda in ay ugu dedaalan maydhitaanka iyo cabitaanka isla markaana ay siiyaan xauun baabiiyaha barasimool ka oo keliya.
Waxaanu intaa ku daray n ay iska buufiyaan guryaha kana hor tagaan n guriga iyo agagaarkiisa qoyaanka biyaha,iyo in ay meelalaha biyo fadhisiga ah biyaha a siidayaan. Waxaanu tilmaamay in Kaneecada keenta Danga Fever ku ay maalintiii dadka qaniinto kuna dhasho oo ay ugxanta dhigato biyaha dushooda waxaanu u soo jeediyay bushada in ay markasta weelashooda biyaha dboolaan kuna dedaalaan nadaafadooda.






