“Iskaashiga Cusub ee Somaliland iyo Israa’iil Wuxuu Diiradda Saarayaa Tababaro Ciidan iyo Maalgelin”

Tel Aviv (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in iskaashiga cusub iyo heshiisyada amniga ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil uu si gaar ah diiradda u saarayo tababaradda iyo tayeynta ciidamada amniga Somaliland, gaar ahaan milatariga iyo booliska. Sida lagu sheegay warbixinta, iskaashigan ayaa si weyn u xoojinaya xidhiidhka labada dal ee dhinacyada amniga, khibrad-wadaagga, iyo horumarinta awoodaha difaaca.

Sidoo kale, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax wada-hadallo ah ama qorshe rasmi ah oo ku saabsan in Israa’iil ay saldhig milatari ka samaysato Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo lagu xusay in mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in ay si furan u soo dhoweynayaan iskaashi kasta oo caalami ah, kaas oo ku saleysan horumar, amni iyo maalgelin, iyada oo la xoojinayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka danaynaya wada-shaqayn wax-ku-ool ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo waraysi la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixinteeda lagu sheegay: “Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Israa’iil ayaa bilowday inay tababaro siiso ciidamada Somaliland, gaar ahaan milatariga iyo booliska, hase yeeshee ma jiraan wax wada-hadallo ah oo ku saabsan in saldhig milatari oo Israa’iil leedahay laga sameeyo Somaliland.”

Reuters waxa kale oo ay intaas ku dartay: “Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay in wararka sheegaya in Israa’iil ay ka wada-hadlayaan dhismaha saldhig milatari ay yihiin xan aan sal iyo raad toona lahayn, isaga oo xusay in iskaashiga hadda jiraa uu ku kooban yahay tababar iyo taageero farsamo.”

Warbixinta waxa kale oo lagu xusay “Somaliland waxay sheegtay inay doonayso iskaashi wax ku ool ah oo ku dhisan maalgelin horumarineed, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, biyaha, tamarta la cusboonaysiin karo, caafimaadka, tiknoolajiyadda iyo amniga internet-ka, iyadoo Israa’iilka ku tilmaantay saaxiib lagu kalsoonaan karo”.

Hot this week

📢 Bid Invitation for Consultancy Services

Supervision Engineer for Exploratory Borehole in Odweine District, Togdher...

“Safaarada Somaliland ee Taipei oo Ka Mid Noqotay Xarumaha Ku Yaala Aaga Diblomaasiyada”

Taipei (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee RTI ayaa sheegtay...

Calanka Somaliland oo Ka Dhex Babanaya Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Israa’iil

Tel Aviv (Dawan) Soo dhaweynta heerka sare ah ee...

Dadka Qaba Xumadda oo looga Digay ‎Isticmaalka Dawoyinka Qaarkood

Qore Faysal Xis Afgaab Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan...

Safar Taariikhi ah: “Somaliland oo Indhaha ku Haysa Khibraddaha Horumarineed ee Israa’iil !!!”

Somaliland iyo Israel: “Iskaashi Xoogan oo ku Salaysan Aqoon...

Topics

📢 Bid Invitation for Consultancy Services

Supervision Engineer for Exploratory Borehole in Odweine District, Togdher...

Dadka Qaba Xumadda oo looga Digay ‎Isticmaalka Dawoyinka Qaarkood

Qore Faysal Xis Afgaab Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan...

Iiraan oo ku Dhawaaqday Taariikhda Aaska Hoggaamiyihii Geeriyooday

Aaska Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan ee geeriyooday Cali Khamenei...

The Car Insurance Catch that can Double Your Cover in Two Months

Find people with high expectations and a low tolerance...

Trump oo soo Bandhigay Diyaaraddii ay Qatar siisay ee Air Force One

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo...
spot_img

Related Articles

Popular Categories

spot_imgspot_img