Somaliland iyo Israel: “Iskaashi Xoogan oo ku Salaysan Aqoon Hal-abuur iyo Horumarin”
Madaxweynaha oo Booqday Xarumaha Hormuudka u ah Hal-Abuurka iyo Cilmi-baadhista Israa’iil”

Tel Aviv (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muddadii uu booqashada rasmiga ahayd uu ku joogay dalka Israa’iil, isaga iyo weftigiisu waxa ay booqdeen qaar ka mid ah Hay’adaha, Xarumaha iyo Shirkadaha hormuudka ka ah cilmi-baadhista beeraha, maamulka biyaha, tamarta, hal-abuurka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dalka Israa’iil .
Madaxweynaha ayaa booqday Shirkado iyo Xarumo aqoon durugsan u leh waraabka casriga ah ee beeraha, wax-soo-saarka beeraha, maaraynta biyaha iyo tamarta korontada, halkaas oo uu warbixinno faahfaahsan kaga dhegaystay masuuliyiinta iyo khubarada xarumahaasi.
Sida oo kale, intii uu booqanayay Xarumahan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo soo bandhigay Tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka casriga ah ee uu dalka Israa’iil ku gaadhay horumarka dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, sugnaanshaha cuntada, maamulka iyo maaraynta biyaha iyo tamarta.
Booqashooyinkan ayaa qayb ka ahaa safarkii shaqo ee taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Israa’iil, kuwaasi oo ay ujeeddadoodu ahayd in Somaliland ka faa’iidaysato aqoonta, khibradaha iyo farsamooyinka casriga ah ee lagu horumarin karo wax-soo-saarka beeraha, sugnaanta cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ee dalka Israa’iil ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo sii xoojinaysa aragtida Somaliland ee ku aaddan in horumar nacfi leh lagu gaadhi karo maalgelinta aqoonta, hal-abuurka iyo iskaashi caalami ah oo wax-ku-ool ah.



