Tel Aviv (Dawan) Soo dhaweynta heerka sare ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), loogu sameeyey dalka Israa’iil waxay ka dhigan tahay dhacdo diblumaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana muujinaysa koboca joogtada ah ee sumcadda iyo muuqaalka Somaliland ku leedahay fagaaraha caalamiga ah.
Hab-maamuuska qaran ee Madaxweynaha lagu qaabilay oo ay ku jireen roogga cas, salaan-sharafta ciidamada, tumista heesta qaranka iyo kor-u-qaadista calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Tallaabadani may ahayn oo kaliya xushmad loo muujiyey Weftiga Madaxweynaha Somaliland, balse waa aqoonsi loo muujiyey karaamada iyo jiritaanka qaran ee Somaliland. Arrintani waxay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo ka baxsan munaasabadda lafteeda, maadaama astaamaha qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah uga dhex muuqdeen goob iyo fagaare caalami ah oo ay indhaha adduunku ku jeedaan.
Sidoo kale, qado-sharafta qaran ee Madaxweynaha Israa’iil ku maamuusay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxay ahayd tallaabo kale oo muujinaysa heerka qaddarinta iyo muhiimadda la siiyey booqashadan. Xidhiidhada caalamiga ahi waxa ay ku dhismaan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano wadaag ah, waxaana muuqata in labada dhinac ay doonayaan inay xidhiidhkooda u beddelaan iskaashi waara oo faa’iido u leh labada shacab.
Booqashadani waxay sidoo kale muujinaysaa sida Somaliland ugu guulaysatay inay dunida u soo bandhigto waayaheeda gaarka ah oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo xasillooni. Muddo ka badan saddex iyo soddon sano, Somaliland waxay ku tallaabsanaysay jid ay ku dhisato hay’ado dawli ah, doorashooyin xor iyo nidaam siyaasadeed oo ku salaysan rabitaanka shacabka. Maanta, dadaalladaas waxay sii kordhinayaan kalsoonida iyo soo jiidashada ay ku leedahay saaxiibbada caalamka.
Gebogebadii, hab-maamuuska caalamiga ah ee Madaxweyne Cirro loogu sameeyey Israa’iil waa wax ka badan soo dhaweyn rasmi ah; waa astaan muujinaysa miisaanka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay diblumaasiyadda casriga ah. Waa dhacdo xoojinaysa hourmarka Somaliland iyo sida xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland ay u sii xoogaysanayaan iyo sida ay kalsooni leh uga dhex muuqanayso masraxa siyaasadda adduunka.






