“Safaarada Somaliland ee Taipei oo Ka Mid Noqotay Xarumaha Ku Yaala Aaga Diblomaasiyada”

Taipei (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee RTI ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn u xoojisay joogitaankeeda diblumaasadeed ee dalka Taiwan, kadib markii ay si rasmi ah u daahfurtay xarunta cusub ee Xafiiskeeda Taiwan, taas oo taas oo laga furay Aagga Diblomaasiyadda ee Tianmu, magaalada Taipei. Sida say sheegtay RTI, tallaabadan ayaa muujinaysa sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo wada-shaqaynta wax-ku-oolka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Warbixintan oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay RTI ayaa lagu soo bandhigay miisaanka dimlumaasiyadeed ee loo sameeyay munaasibadda xadhiga lagaga jaray xarunta cusub, taas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin sare oo ka kala socday Somaliland iyo Taiwan, diblomaasiyiin, ganacsato iyo marti sharaf kale. Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Taiwan, Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, ayaa u sheegay warbaahinta TRI in xarunta cusub ay kor u qaadi doonto hawlaha diblomaasiyadeed, xidhiidhka labada dhinac iyo hirgelinta mashaariicda iskaashiga ah.

Sida lagu sheegay warbixintan, masuuliyiinta Dowladda Taiwan ayaa iyaguna dhinacooda tilmaamay in goobta cusub ee xafiisku ay astaan u tahay kalsoonida, saaxiibtinimada iyo xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo ku dhisan qiyamka dimuqraadiyadda, xorriyadda, horumarka iyo ixtiraamka wadajirka ah. Sidoo kale warbixinta ayaa iftiimisay sida uu u xoogaysanayo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac tan iyo sannadkii 2020, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha, tiknoolajiyadda, tamarta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kobcinta awoodaha hay’adaha dawladda.

Hot this week

📢 Bid Invitation for Consultancy Services

Supervision Engineer for Exploratory Borehole in Odweine District, Togdher...

Calanka Somaliland oo Ka Dhex Babanaya Xarunta Qasrigga Madaxtooyadda Israa’iil

Tel Aviv (Dawan) Soo dhaweynta heerka sare ah ee...

Dadka Qaba Xumadda oo looga Digay ‎Isticmaalka Dawoyinka Qaarkood

Qore Faysal Xis Afgaab Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan...

Safar Taariikhi ah: “Somaliland oo Indhaha ku Haysa Khibraddaha Horumarineed ee Israa’iil !!!”

Somaliland iyo Israel: “Iskaashi Xoogan oo ku Salaysan Aqoon...

Topics

📢 Bid Invitation for Consultancy Services

Supervision Engineer for Exploratory Borehole in Odweine District, Togdher...

Dadka Qaba Xumadda oo looga Digay ‎Isticmaalka Dawoyinka Qaarkood

Qore Faysal Xis Afgaab Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan...

Iiraan oo ku Dhawaaqday Taariikhda Aaska Hoggaamiyihii Geeriyooday

Aaska Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan ee geeriyooday Cali Khamenei...

The Car Insurance Catch that can Double Your Cover in Two Months

Find people with high expectations and a low tolerance...

Trump oo soo Bandhigay Diyaaraddii ay Qatar siisay ee Air Force One

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo...
spot_img

Related Articles

Popular Categories

spot_imgspot_img